HomeWarkaRW Xamsa oo Khadka Telefoonka Ugu Hambalyeeyay Ardayda Kaalmaha Hore Ka Galay...

RW Xamsa oo Khadka Telefoonka Ugu Hambalyeeyay Ardayda Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada imtixaanka sanadkan.

Saddexda arday ayaa kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartan aqooneed ay sanadkan u fariisteen in ka badan 40,000 oo arday oo ka kala socday dugsiyada sare ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka, kartida iyo dulqaadka ay muujiyeen ardayda, isagoo xusay in guushoodu ay tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay in ardaydu si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadaha waxbarasho.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo u diray waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka dugsiyada ay wax ku barteen ardaydan, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha ay gaareen.

Natiijadan ayaa loo arkaa guul u gaar ah ardayda kaalmaha hore galay iyo qoysaskooda, iyadoo sidoo kale dhiirrigelin u noqon karta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dadaal ugu jira sidii ay mustaqbalkooda aqooneed u dhisan lahaayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay horumarinta iyo mideynta nidaamka waxbarashada dalka, iyadoo Imtixaanka Qaranka uu yahay mid ka mid ah hannaanada lagu qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments