HomeWarkaXasan Sheekh oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Taliyaha AFRICOM, General Dagvin...

Xasan Sheekh oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo guud ahaan gobolka, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee dhinacyada nabadda, amniga iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed, iyadoo Mareykanku uu weli door muuqda ka qaato taageerada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson, ayaa xaqiijiyey sida Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta iskaashiga amniga ee ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya dhinacyada tababarka iyo tayeynta ciidamada, duqeymaha lagu bartilmaameedsado kooxaha hubeysan iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga.

Dhanka kale, maalin ka hor wafdi ka socda Congress-ka Mareykanka iyo taliska milatariga ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararka ayaa sheegaya in wafdigaasi ay sidoo kale qorsheynayaan booqashooyin ay ku tagayaan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa si ay ula kulmaan madaxda Puntland iyo Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments