HomeWarka𝗧𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗗𝗛𝗨𝗟𝗞𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗔𝗬 𝗕𝗨𝗨𝗡𝗗𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗔𝗔𝗥𝗗𝗛𝗘𝗘𝗥𝗘

𝗧𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗗𝗛𝗨𝗟𝗞𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗔𝗬 𝗕𝗨𝗨𝗡𝗗𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗔𝗔𝗥𝗗𝗛𝗘𝗘𝗥𝗘

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa kormeer ku tagay buundada magaalada, halkaas oo uu ka muuqdo burbur xooggan, isla markaana gabi ahaanba go’an oo aan shaqeynayn.

Taliyaha iyo saraakiisha kormeerka ku wehlinaysay ayaa sidoo kale u kuurgalay xaaladda guud ee Webiga mara magaalada Baardheere, gaar ahaan labada dhinac ee jiinka webiga, iyagoo qiimeeyay xaaladaha amni iyo nololeed ee deegaanka.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli laga cabsi qabo biyo-baxo iyo fatahaado waaweyn oo saameyn kara qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku teedsan wabiyada.

Taliyaha Guutada 36-aad, Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, iyo Maamulka Degmada Baardheere oo uu wehlinayay Maareeyaha Garoonka Degmada, Jaamac Cali Hirey, ayaa Taliyaha iyo saraakiisha la socotay warbixin ka siiyay xaaladda amniga ee jiinka webiga iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanka.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in wax laga qaban doono caqabadaha ka jira deegaanka, isagoo xusay in mudnaanta koowaad la siin doono dib-u-dayactirka buundada, oo burburkeedu sababay inay gabi ahaanba shaqeyn weydo.

Buundada Baardheere ayaa muhiim u ah isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, iyadoo burburkeedu caqabad weyn ku yahay isku xirka labada dhinac ee webiga iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Maamulka deegaanka ayaa rajeynaya in dib-u-dayactirka buundadu uu wax weyn ka tari doono isu-socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana uu fududeyn doono isku xirka bulshada ku nool labada dhinac ee webiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments