Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u diray Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, isagoo uga digay in la qaado tallaabo ama go’aan uu Xafiisku ku tilmaamay mid ka hor imaanaya madaxbannaanida, awoodaha iyo nidaamka sharciyeed ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.
Xafiiska Hantidhowrka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay ku shaqeeyaan xuduudaha iyo awoodaha uu sharcigu u asteeyay, gaar ahaan marka ay timaaddo maamulka iyo habraacyada khuseeya hay’adaha madax-bannaan.
Arrintan ayaa sidoo kale taabanaysa xiriirka ka dhexeeya Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud, maadaama maamulka iyo maaraynta shaqaalaha ay ka mid yihiin arrimaha u baahan in loo maro habraacyo sharci oo cad. Qorshaha istiraatiijiyadeed ee Xafiiska Hantidhowrka ayaa horey u xusay muhiimadda ay leedahay in maamulka shaqaalaha Xafiiska lagu saleeyo sharciga Hantidhowrka iyo habraacyo waafaqsan madax-bannaanida Xafiiska.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa ah hay’ad ka mid ah hay’adaha madax-bannaan ee heer federaal, halka Guddiga Shaqaalaha Rayidka uu yahay guddi madax-bannaan oo loo xilsaaray arrimaha adeegga rayidka.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida hay’adaha dowladda, u hoggaansanaanta sharciga iyo kala-xadaynta awoodaha hay’adaha, si looga fogaado is-dhexgal awoodeed iyo khilaafaad ka dhasha fasiraadda waajibaadka sharciyeed.




