Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku laalay digreeto uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Digreetadan oo ku saabsaneyd in si tartan furan loogu buuxiyo xilalka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, ayaa dood adag ka dhalisay gudaha Golaha Shacabka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobada ku jira digreetada ay u baahan yihiin dib-u-eegis sharci iyo wadatashi dheeraad ah, iyagoo ku dooday in isbeddellada lagu sameynayo nidaamka shaqaalaha rayidka ah ay tahay in loo maro hannaan waafaqsan shuruucda dalka.
Kulanka maanta ayaa xubnaha Golaha Shacabka intooda badan codkooda ku taageereen go’aanka lagu laalayo digreetada, taas oo keentay in si rasmi ah loo hakiyo dhaqan-gelinteeda ilaa laga gaarayo heshiis iyo is-afgarad ku saabsan habraaca loo marayo dib-u-habeynta la qorsheeyay.
Dhanka kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin go’aanka ay maanta gaareen xildhibaannada Golaha Shacabka. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga ee arrintan la xiriira.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo hufnaanta maamulka iyo tayeynta adeegga shaqaalaha rayidka ah.



