HomeWarkaGolaha Baarlamaanka 7-aad Ee Deegaanka Soomaalida Oo Tababar Loo Furay

Golaha Baarlamaanka 7-aad Ee Deegaanka Soomaalida Oo Tababar Loo Furay

Jigjiga – Magaalada Jigjiga ayaa maanta laga furay tababar loo qabanayo xildhibaanada Golaha Baarlamaanka 7-aad ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Tababarka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa barashada shuruucda, xeerarka iyo habraacyada shaqo ee Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida.

Ujeeddada tababarka ayaa ah in xildhibaanada lagu xoojiyo fahamka waajibaadkooda dastuuriga ah, habraacyada shaqada baarlamaanka iyo masuuliyadda ka saaran matalaadda shacabka.

Mas’uuliyiinta tababarka ayaa tilmaamay in aqoonta xildhibaanadu u leeyihiin shuruucda iyo habraacyada baarlamaanka ay muhiim u tahay gudashada waajibaadkooda sharci-dejineed iyo matalaadda bulshada.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo fahamka xildhibaanada cusub ee Golaha Baarlamaanka 7-aad ee Deegaanka Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments