HomeWarkaDEGDEG: ARRINTA AGOONTA CXD KA DIB, XAMSA OO GAASHAANDHIGGA TAGAY!

DEGDEG: ARRINTA AGOONTA CXD KA DIB, XAMSA OO GAASHAANDHIGGA TAGAY!

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey Shirka Amniga Caasimadda oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo kulanka looga hadlay xaaladda amni ee Muqdisho iyo dardargelinta qorshayaasha lagu sugayo amniga caasimadda.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga, la dagaallanka kooxaha amniga lidka ku ah iyo dar-dargelinta howlaha lagu xaqiijinayo xasilloonida caasimadda.

Siyaasad ahaan, kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan dooddo iyo su’aalo ku saabsan xaaladda ciidamada iyo maamulka hay’adaha amniga. Waxa kale oo uu ku beegmay maalmo kadib markii Baarlamaanka Federaalka la sheegay inuu u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida si wax looga weydiiyo cabashooyin la xiriira gunnooyin la sheegay in laga jaray qaar ka mid ah agoonta ciidamada.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in qabashada shirkan gudaha Wasaaradda Gaashaandhigga ay xambaarsan karto farriin muujinaysa sida ay xukuumaddu mudnaan u siinayso arrimaha amniga iyo ciidamada, xilli ay jiraan doodo ka taagan xaaladda ciidamada iyo daryeelka qoysaska ciidamada qaranka.

Dhanka kale, dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xiriirka ka dhexeeya kulanka amniga ee maanta iyo arrimaha horyaalla Baarlamaanka ee la xiriira ciidamada. Si kastaba ha ahaatee, waqtiga uu shirku qabsoomay ayaa sare u qaaday hadal-heynta ku saabsan xaaladda amniga iyo maamulka ciidamada dalka.

Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah shirarka joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku qiimeyso xaaladda amniga Muqdisho, iyadoo laamaha amniga lagu adkeeyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada caasimadda iyo guud ahaan dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments