Soo laabashada Janan ayaa ku soo aadeysa xilli Abaanduulihii Qaybta 43-aad CXDS ee dhawaan la magacaabay laga hor istaagay inuu galo degmada Beledxaawo, isagoo Doolow kasoo ambabaxay.
Wararka ayaa sheegaya in Janan uu doonayo inuu wareejiyo ciidamada iyo hubka hay’dda Nabad sugida ee NISA ee dhawaan uu janan ku diiwaangeliyay Beledxaawo, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada UK, intuu dacad u ahaa villa somalia kadibna lagu wareejiyo maamulka Jubbaland.
Janan ayaa la filayaa inuu berri subax saf guud kula hadlo ciidamada ku sugan magaalada, iyadoo ciidamada Militariga Soomaaliya ee magaalada ku sugan la sheegay inay sii joogi doonaan Beledxaawo, isla markaana laga doonayo inay siyaasadda ka madax-bannaanaadaan.
Qorshaha kale ee socda ayaa ah in ciidamada Jubbaland ee ku sugan banan-ka magaalada ay soo galaan Beledxaawo..
Tallaabooyinkan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin heshiis siyaasadeed oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo Cabdirashiid Janan iyo Axmed Madoobe lagu wado inay ku gaaraan heshiis rasmi ah. Heshiiska ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa doorashada soo socota iyo in Janan uu Abdirashiid janan la siiyo kursiga xildhibaanka beeshiisa ee Baarlamaanka Federaalka.
Xaaladda Beledxaawo ayaa hadda si dhow loo eegayaa, iyadoo tallaabooyinka ciidamada iyo hubka lagu wareejinayo Jubbaland ay noqon karaan isbeddel weyn oo ku yimaada xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Gedo.



