HomeWarkaRW Xamsa oo ka qeyb galay soo bandhigista Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee...

RW Xamsa oo ka qeyb galay soo bandhigista Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, taas oo ay diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka laga sameeyay dhinacyada dhaqaalaha intii lagu jiray sanadkii 2025, iyo dadaallada lagu xoojinayo dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda qaranka.

Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee Soomaaliya ka heli jirtay dibadda, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dakhliga gudaha si dalka uu u yeesho dhaqaale waara oo ku tiirsan awooddiisa gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay wajahday caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, haddana adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada hay’adaha Dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan siyaasadeyn taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad-goboleedyada, isagoo xusay in sanadkii 2025 uu ahaa sanadkii taageerada ugu badan ee dhaqaale la gaarsiiyay dowlad-goboleedyada.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey Dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habeynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga, si loo abuuro jawi dhiirrigeliya ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025 ayaa qeyb ka noqonaysa dadaallada dowladda ee lagu qiimeynayo waxqabadka dhaqaalaha dalka iyo jihada loo wajahayo sannadaha soo socda, iyadoo xoogga la saarayo kordhinta dakhliga gudaha, maaraynta dhaqaalaha iyo yareynta ku-tiirsanaanta taageerada dibadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments