HomeWarkaDAAWO: Dowladda Soomaaliya oo Ka Digtay Daadad iyo Fatahaado Laga Cabsi Qabo

DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo Ka Digtay Daadad iyo Fatahaado Laga Cabsi Qabo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatar la xiriirta roobab xooggan, daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo inay dalka ku soo wajahan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in digniino laga soo saaray xaaladda Super El Niño, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada u nugul fatahaadaha iyo daadadka.

Cali Xoosh ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay u diyaar garoobaan xaaladaha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha.

Wuxuu sidoo kale bulshada ugu baaqay in si gaar ah loo garab istaago dadka nugul iyo qoysaska ay xaaladdu saameyn karto, iyadoo la xoojinayo dadaallada gurmadka iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka ay wadaan diyaar-garow la xiriira saameynta roobabka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan qeybo ka mid ah dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shacabka kula dardaarantay inay la socdaan digniinaha rasmiga ah, kana fogaadaan goobaha halista ugu jira fatahaadaha iyo daadadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments