Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socday Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika, Colonel James Rose.
Kulanka waxaa Madaxweyne Deni kala qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, la-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ciidan.
Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga xeebaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Mareykanka ee magaalada Boosaaso, iyo iskaashiga dhinaca howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada buuraleyda ah ee Calmiskaad iyo Calmadow.
Qodobada kale ee miiska wadahadalka ka mid ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa la-dagaallanka burcad-badeedda, xoojinta tababarrada ciidamada difaaca Puntland iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada ee la tacaalidda khataraha amni ee ka jira gobolka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga lagu sugayo amniga xeebaha Puntland, gaar ahaan ka hortagga falalka khatarta gelin kara maraakiibta iyo isu-socodka ganacsiga badda.
Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe door muuqda ku lahaa taageerada dhinacyada amniga ee Soomaaliya, iyadoo iskaashiga amni uu si gaar ah diiradda u saaran yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish.
Kulanka Madaxweyne Deni iyo saraakiisha AFRICOM ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ka dhan ah Daacish iyo Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in la xoojiyo wada-shaqaynta amni iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.



