Duulimaadyada tooska ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalintii labaad hakad ku jira, iyadoo hakadkan uu saameyn ku yeeshay rakaab badan oo isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, qaar ka mid ahna ay ku xanniban yihiin labada magaalo.
Hakadka ayaa si gaar ah u saameeyay duulimaadyadii ka imaan jiray Nairobi kuna soo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaradaha Soomaalida oo intooda badan xarun ama hoy u ah Nairobi aysan labadii maalmood ee lasoo dhaafay iman magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo xaaladda ayaa sheegaya in hakadka duulimaadyada uu la xiriiri karo shaqo-joojin ay sameeyeen shaqaalaha Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii garoonka iyo dhaq-dhaqaaqii diyaaradaha.
Arrintan ayaa dhibaato ku noqotay rakaab badan oo horay u sii qorsheystay safarro u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi. Qaar ka mid ah dadka safarka ahaa ayaa lagu qasbay inay dib u dhigtaan duulimaadyadooda, halka kuwa kale ay ku xanniban yihiin garoomada, iyagoo sugaya in xaaladda dib loogu soo celiyo sidii caadiga ahayd.
Nairobi ayaa ah xarun muhiim u ah dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale, taasoo keentay in hakadka duulimaadyadu uu saameyn ballaaran ku yeesho shacabka labada dal isaga kala goosha.
Sidoo kale, hakadka ayaa saameyn ku yeelan kara isu-socodka mas’uuliyiinta iyo wafdiyada dowladda Soomaaliya ee safarrada shaqo ku taga Kenya, maadaama Muqdisho iyo Nairobi ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo dhow.
Ilaa hadda ma cadda muddada uu sii socon doono hakadka, waxaana la sugayaa in howlaha Garoonka Jomo Kenyatta si buuxda dib loogu soo celiyo. Haddii xaaladda garoonka Nairobi la xalliyo, waxaa la filayaa in duulimaadyada tooska ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ay dib u billowdaan.
Maamulka garoomada iyo shirkadaha diyaaradaha ayaa laga sugayaa inay rakaabka siiyaan xog rasmi ah oo ku saabsan jadwalka duulimaadyada iyo waqtiga dib loogu bilaabayo safarrada.



