HomeWarkaDuqa Muqdisho oo dhul lacag la'aan ah ugu deeqay qoysaskii laga kiciyay...

Duqa Muqdisho oo dhul lacag la’aan ah ugu deeqay qoysaskii laga kiciyay Obasiibooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado qorshe dib-u-dejin loogu talagalay qoysaska ay saameeyeen howlgallada waddo-furista iyo dib-u-habeynta xaafadaha isku-raranka ah ee caasimadda.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda deegaanka iyo diyaar-garowga maamulka ee dib-u-dejinta qoysaska guryahooda ay saameeyeen qorshayaasha horumarinta iyo qurxinta magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho waxaa kormeerka ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo agaasimayaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in qorshaha dib-u-dejinta lagu fulinayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku adkeeyay in dadaallada lagu qurxinayo laguna horumarinayo caasimadda ay barbar socdaan ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.

1,058 boos oo dhul ah oo loo qoondeeyay qoysaska ay saameeyeen waddo-furista

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu iibiyey 1,058 boos oo dhul ah, kuwaas oo si lacag-la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska ay saameeyeen hawlaha waddo-furista, gaar ahaan qoysaska guryahooda ku waayay dib-u-habeynta iyo horumarinta xaafadaha isku-raranka ah ee loo yaqaan Obasiibooyinka.

Sida uu sheegay Guddoomiye Muungaab, qorshahan ayaa ah tallaabo lagu doonayo in xal loogu helo qoysaska ay saameeyeen mashaariicda horumarineed, iyadoo maamulka uu isku dayayo inuu isku dheellitiro horumarinta kaabeyaasha caasimadda iyo ilaalinta xuquuqda dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarin doono, iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaleey, si loogu sameeyo deegaanno dib-u-dejin ah qoysas kale oo ay saameeyeen howlaha waddo-furista iyo mashaariicda horumarinta magaalada.

Xaaji-Cabdi oo loo qorsheeyay adeegyo aasaasi ah

Deegaanka Xaaji-Cabdi ayaa sidoo kale lagu sameeyay adeegyo loogu talagalay dadka loo qorsheeyay inay halkaasi degaan. Deegaanka ayaa dhawaan laga xarig-jaray dugsi hoose iyo dhexe oo lacag la’aan ah, waxaana sidoo kale laga heli karaa adeegyo aasaasi ah sida biyaha iyo korontada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka loo qorsheeyay in laga hirgeliyo suuq, masaajid iyo xarun caafimaad, si qoysaska dib-u-dejinta loo siiyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.

Qorshe lagu dhisayo 10,000 oo guri

Dhanka kale, Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 oo guri oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Qorshahan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo wax ka qabashada baahida sii kordheysa ee guryaha, gaar ahaan dadka danyarta ah iyo qoysaska u baahan hoy ku habboon.

Guud ahaan, qorshaha dib-u-dejinta qoysaska ay saameeyeen waddo-furista iyo horumarinta xaafadaha ayaa ku soo aadaya xilli Muqdisho ay ka socdaan mashaariic kala duwan oo lagu ballaarinayo waddooyinka, lagu hagaajinayo bilicda magaalada, laguna horumarinayo adeegyada bulshada. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabooyinkan lagu doonayo in horumarka caasimaddu uu barbar socdo ilaalinta xuquuqda iyo danaha shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments