HomeWarkaDFS OO DIB U ABAABUSHAY QAYBTA 26-AAD EE CXD, TALIYE CUSUBNA U...

DFS OO DIB U ABAABUSHAY QAYBTA 26-AAD EE CXD, TALIYE CUSUBNA U MAGACOWDAY

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u abaabushay Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad loo magacaabay taliyaha qaybta, halka Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac (Galow) loo magacaabay ku-xigeenkiisa.

Qaybta 26-aad ayaa kamid ahayd qaybihii waaweynaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilligii dowladdii dhexe, waxaana xarunteedu hore ugu taallay magaalada Hargeysa. Dowladda Federaalka ayaa hadda qorsheyneysa in xarunta qaybta loo wareejiyo Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ayaa kusoo beegmaya kaddib markii dowladda Federaalka ay fasaxday mushaharka 2,500 askari oo ka tirsan ciidamada ka hawlgeli doona maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka noqonaysa dadaallada dowladda Federaalka ay ku xoojinayso qaab-dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka iyo joogitaanka ciidamada dowladda ee deegaannada waqooyi iyo bari ee Soomaaliya.

Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad, oo loo magacaabay hoggaanka Qaybta 26-aad, ayaa hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxaana loo arkaa mid kamid ah saraakiisha jiilka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Magacaabistiisa ayaa timid xilli dowladda Federaalka ay waddo dib-u-habeyn iyo dib-u-qaabeyn lagu sameynayo ciidamada qaranka iyo qaab-dhismeedka talisyada ciidamada.

Qaybta 26-aad ayaa muhiimad gaar ah u yeelan karta qorshaha dowladda Federaalka ee xoojinta joogitaanka hay’adaha dowladda iyo ciidamada qaranka ee deegaannada waqooyi iyo bari ee dalka.

Sida qorshaha la sheegay, ciidamada qaybta ayaa sidoo kale loo diyaarinayaa inay gaaraan deegaanno ka tirsan xeebaha Sanaag, iyadoo arrintan ay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta dhulka iyo xeebaha Soomaaliya.

Dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay xoogga saarayso dhismaha ciidan qaran oo leh qaab-dhismeed mideysan iyo talisyo si rasmi ah ugu hoos shaqeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay qeyb ka noqoto qorshaha dowladda ee dib-u-dhiska iyo ballaarinta ciidamada qaranka, gaar ahaan deegaannada waqooyibari ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments