Muqdisho: Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo shirkadda Tabarak ICT ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan shaqo oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, teknoolojiyadda iyo horumarinta adeegyada casriga ah.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Yasin Maxamuud Cibaar, waxaana ka qeyb galay howlwadeennada Rugta, injineerro iyo masuuliyiin ka socday shirkadda Tabarak ICT.
Intii uu socday kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta howlaha dijitaalka ah, horumarinta adeegyada casriga ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha ganacsiga iyo shirkadaha ku shaqada leh teknoolojiyadda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee lagu horumarinayo adeegyada ay siiso ganacsatada, iyadoo diiradda la saarayo adeegsiga teknoolojiyadda iyo xalalka dijitaalka ah ee kor u qaadi kara hufnaanta iyo fududeynta adeegyada ganacsiga.
#somalia#Followers #muqdisho
———|Share | Like | Comments|——



