HomeWarkaMaxay damacsanyihiin Dowladaha Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan?

Maxay damacsanyihiin Dowladaha Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan?

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu ka qabsoomo kulan heer sare ah oo ay isugu imaanayaan madaxda ugu sarreysa dhinacyada diblomaasiyadda iyo difaaca ee Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horreeyay ee saddexda dal yeeshaan tan iyo markii ay horraantii bishan kala saxiixdeen heshiiska difaaca wadajirka ah ee loo bixiyay Makka Joint Defense Agreement, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya saddexda dowladood.

Kulanka waxaa ka qeybgalaya wasiirrada arrimaha dibadda, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha guud ee ciidamada saddexda dal, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay sidii loo dhisi lahaa hannaan rasmi ah oo ay dalalku isaga kaashadaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo difaaca.

Guddiga Istaraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca

Mid ka mid ah ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah in gogol loo xaadho dhismaha Guddiga Istaraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca, kaas oo noqonaya madal rasmi ah oo saddexda dal ay uga wada shaqeeyaan dejinta siyaasadaha amniga, qorsheynta difaaca iyo xoojinta iskaashiga milatari.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in kulamada diiradda lagu saari doono xaaladaha amni ee caalamka iyo kuwa gobolka, iyadoo sidoo kale laga wada hadli doono sidii loo kordhin lahaa awoodda ciidamada, loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca difaaca iyo loo horumarin lahaa wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee saddexda dal.

Heshiiska Difaaca ee Makka

Heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka ayaa ah midka saldhigga u ah iskaashigan cusub. Heshiiska ayaa lagu tilmaamay hannaan difaac wadajir ah, iyadoo mabda’iisu yahay in weerar lagu qaado mid kamid ah dalalka xubnaha ka ah heshiiska loo arki karo khatar ama weerar ay si wadajir ah uga jawaabayaan xubnaha kale.

Dhismaha iskaashigan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli isbeddello waaweyn ay ka socdaan xaaladda amni ee Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadaha ka dhashay dagaallada iyo iska horimaadyada u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Saddexda dal ayaa sidoo kale leh awooddo kala duwan oo miisaan weyn ku leh gobolka iyo caalamka. Turkiga wuxuu kamid yahay awoodaha milatari ee ugu waaweyn NATO, Pakistan waa dalka kaliya ee hubka nukliyeerka haysta ee dunida Muslimka ah, halka Sacuudi Carabiya ay tahay quwad dhaqaale iyo tamareed oo saameyn weyn ku leh Bariga Dhexe iyo suuqyada caalamka.

Ma ballaaranayaa Isbahaysigu?

Su’aasha kale ee muhiimka ah ayaa ah mustaqbalka heshiiskan iyo cidda ku biiri karta.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii Agoosto sheegay in Masar ay mustaqbalka suuragal tahay inay qayb ka noqoto heshiiska. Dhanka kale, waxaa sidoo kale soo baxay hadallo tilmaamaya in Bangladesh ay si dhow u qiimeyneyso suuragalnimada ku biirista iskaashigan.

Haddii heshiisku sii ballaarto, waxaa laga yaabaa inuu yeesho miisaan siyaasadeed iyo mid milatari oo ka weyn kii saddexda dal ee hadda ku mideysan.

Hindiya oo si dhow ula socota

Ballaarashada iskaashigan ayaa sidoo kale indhaha u jeedisay Hindiya, oo si dhow ula socota dhaqdhaqaaqyada cusub ee dhinaca amniga iyo difaaca.

New Delhi ayaa si gaar ah uga walaacsan doorka Pakistan, oo ah dal ay deris yihiin isla markaana muddo dheer uu u dhexeeyay khilaaf dhinaca amniga iyo siyaasadda ah. Haddii Bangladesh ay ku biirto isbahaysigan, arrintaasi waxay sii kordhin kartaa walaaca Hindiya, maadaama Bangladesh ay sidoo kale xuduud la leedahay Hindiya.

Sidaas darteed, kulanka Istanbul wuxuu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo lagu qeexayo jihada mustaqbalka ee iskaashiga Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan, iyo in heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka uu ku ekaan doono saddexda dal ama uu isu beddeli doono isbahaysi ballaaran oo saameyn ku yeesha siyaasadda iyo amniga gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments