HomeWarkaGuddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Ku-celiska ah ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Ku-celiska ah ee Galmudug

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda-goboleedka Galmudug.

Guddigu wuxuu sheegay in jadwalkan uu ku saleysan yahay Go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sumaddiisuna tahay SUM:MSF/DD/BX/1/2026, kaas oo soo baxay 24-kii Agoosto 2026.

Sida uu Guddigu sheegay, tallaabadan ayaa qayb ka ah gudashada waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10-aad ee Sharciga lagu dhisay GMDQS, iyadoo sidoo kalena la fulinayo Qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Jadwalka ay shaaciyeen Guddiga ayaa ka kooban lix marxaladood oo muhiim ah, kuwaas oo lagu kala asteeyay waqtiyo kala duwan.

10-ka Sebtembar 2026 ayaa loo asteeyay in la sameeyo isla markaana la shaaciyo xarumaha iyo goobaha codbixinta. 20-ka Sebtembar waxaa la shaacin doonaa liiska musharraxiinta ururrada siyaasadda.

Sidoo kale, 22-ka Sebtembar waxaa la soo gudbin doonaa liiska wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixinta, halka 26-ka Sebtembar la qaban doono aqoonsiga wakiillada ururrada iyo kormeerayaasha.

Waxaa xigi doona 28-ka Sebtembar, oo loo asteeyay xiritaanka ololaha doorashada, halka 30-ka Sebtembar 2026 ay tahay maalinta loo qorsheeyay qabashada doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa bulshada Galmudug iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqay inay si dhow ula socdaan jadwalka rasmiga ah, isla markaana ay u diyaar garoobaan marxalad kasta oo doorashada ah.

Doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka ka socdo geeddi-socodka hirgelinta doorashooyinka isku-sidkan, iyadoo GMDQS uu door muhiim ah ka qaadanayo diyaarinta iyo maamulidda habraacyada doorashada.

Guddiga ayaa ugu dambeyn bulshada xusuusiyay hal-ku-dhigga doorashada:
“Codkaaga waa mustaqbalkaaga, ka qayb qaado, codkaaga dhiibo.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments