HomeWarkaWasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Jubaland oo Kismaayo ku qabtay Kulanka Muhiim ah+Sawiro

Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Jubaland oo Kismaayo ku qabtay Kulanka Muhiim ah+Sawiro

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Jubaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka billaha ah ee Bulshada iyo Bahda Caddaaladda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Jubaland, oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Gargaarka, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, hoggaanka Booliska, Wasaaradda Caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan billaha ah ayaa ah madal furan oo bulshada iyo bahda caddaaladdu si toos ah ugu wada xiriiraan, iyagoo ku kala aragti dhiibanaya arrimaha la xiriira caddaaladda, amniga iyo adeegyada bulshada.

Madashan ayaa sidoo kale muhiim u ah in bulshada ay si toos ah ugu gudbiso hay’adaha dowladda cabashooyinkooda, baahiyahooda iyo talooyinkooda, halka dhinaca hay’adaha dowladda ay fursad u helayaan inay si dhow u fahmaan xaaladaha jira iyo caqabadaha ay bulshada la kulmaan.

Ujeeddada kulamada noocan ah ayaa ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha dowliga ah, lana abuuro hannaan joogto ah oo lagu wadaago macluumaadka, lagu dhageysto cabashooyinka shacabka, isla markaana xal loogu raadiyo caqabadaha ka jira dhinacyada caddaaladda, amniga iyo adeegyada bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Avv. Cabdalla Qaanuun, oo kulanka ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin kulamada noocan ah, isagoo sheegay inay door weyn ka qaadanayaan xoojinta kalsoonida, isla-xisaabtanka iyo wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in madashu ay sidoo kale fursad u tahay in si wadajir ah loo fahmo caqabadaha jira, loona raadiyo xalal wax-ku-ool ah oo wax looga qaban karo baahiyaha bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-dhaafsi aragtiyo iyo talooyin la xiriira sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta bulshada, hay’adaha caddaaladda iyo kuwa amniga, iyadoo la adkeynayo doorka shacabka ee horumarinta adeegyada dowliga ah iyo helitaanka caddaalad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments