HomeWarkaMadaxweyne Xasan oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Dalka Serbia.

Madaxweyne Xasan oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Dalka Serbia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade, caasimadda dalka Serbia, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Serbia, kuwaas oo soo dhaweeyay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulan muhiim ah la yeesho dhiggiisa Serbia, Aleksandar Vučić, iyadoo labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo danaha labada dhinac.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriirta ka qeybgalka Shir heer sare ah oo lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (Non-Aligned Movement), kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Belgrade sanadkii 1961-kii.

Shirka ayaa isu keenaya madax iyo wakiillo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ah, iyadoo munaasabadda lagu xusayo taariikhda iyo kaalintii uu Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn ku lahaa xiriirka caalamiga ah.

Ka qeybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee shirkan ayaa Soomaaliya siinaya fursad ay ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka, isla markaana ay uga qeybqaadato doodaha ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Booqashada Belgrade ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu ballaarinayo xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Yurub iyo kuwa kale ee caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments