Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad, kaas oo ahaa kulankii ugu horreeyay ee uu shir guddoomiyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 Xildhibaan, iyadoo ajandaha ugu horreeya uu ahaa buuxinta xubintii ka bannaanaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, taas oo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo gudbisay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Mudane Maxamed Xasan Nuur, oo loo soo xushay inuu buuxiyo xubinta ka bannaanaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 141 Xildhibaan ay oggolaadeen magacaabista, halka laba Xildhibaan ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo xiray kulanka, isagoo uga mahadceliyay Xildhibaanada ka soo qeybgalka, wuxuuna ugu baaqay inay xoogga saaraan ka shaqeynta iyo meel-marinta shuruucda muhiimka ah ee horyaalla Golaha inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.
Dhinaca kale, Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay 20-kii Abriil 2012, iyo Borotokoollada kaabaya afarta Axdiga Geneva ee 1949-kii.



