Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khadka taleefanka ugu hambalyeeyay Axmed Shide, kaddib markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Axmed Shide ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo u rajeeyay guul iyo hoggaan wanaagsan muddada uu hoggaaminayo Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya.
Intii uu socday wada hadalka labada dhinac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xiriirka iyo wada shaqeynta labada baarlamaan ay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Hambalyada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, iyadoo labada dal ay iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka gobolka.



