Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka hadlay muhiimadda Shirweynaha Saddexaad ee U Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer la tacaalaysay aafooyin soo noqnoqda oo sababay dhibaatooyin bani’aadannimo, dhaqaale iyo kuwo bulsho. Waxa uu xusay in wax-ka-qabashada caqabadahaasi ay u baahan tahay iskaashi, cilmi-baaris iyo qorsheyn dhab ah oo lagu gaarayo xalal waara.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu dhisayo awoodda dalka ee ka hortagga aafooyinka, loogu diyaar garoobo xaaladaha degdegga ah, isla markaana la yareeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka shirweynaha, ayaa isaguna adkeeyay muhiimadda aqoonta, cilmi-baarista iyo iskaashiga bulshada ee wax-ka-qabashada aafooyinka soo noqnoqda.
Dr. Ibraahim ayaa sheegay in loo baahan yahay aragti loo dhan yahay iyo xalal waara oo lagu yareeyo nuglaanshaha bulshada, laguna dhiso bulsho awood u leh inay ka hortagto aafooyinka, una soo kabato marka ay dhacaan.
Waxa uu tilmaamay in aqoonta iyo cilmi-baaristu door muhiim ah ka ciyaaraan fahamka khataraha, qiimeynta saameynta aafooyinka iyo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka dalka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa sidoo kale ballanqaaday in jaamacaddu ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay hay’adaha dowladda, qaybaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada, si aqoonta iyo khibradda loo adeegsado dhismaha adkeysiga Soomaaliya.
Shirweynaha SDRC 2026 waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho. Waxaa ka qaybgalaya wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, khubaro iyo cilmi-baarayaal ku takhasusay maaraynta musiibooyinka iyo u adkaysiga aafooyinka.
Kulankan ayaa fursad u ah in la is-weydaarsado aqoon iyo waayo-aragnimo, laguna falanqeeyo hababka lagu xoojin karo diyaar-garowga, ka-hortagga iyo wax-ka-qabashada aafooyinka dalka.
Soomaaliya oo si joogto ah ula tacaasha abaaraha, fatahaadaha iyo xaalado kale oo bani’aadannimo ayaa u baahan qorsheyaal waara, cilmi-baaris joogto ah iyo iskaashi dhinacyo badan leh, si loo yareeyo saameynta aafooyinka loona ilaaliyo nolosha iyo hantida bulshada.
Shirweynaha oo socon doona laba maalmood ayaa la filayaa inuu xoogga saaro muhiimadda iskaashiga, aqoonta iyo qorsheynta muddada dheer ee lagu dhisayo adkeysiga bulshada iyo awoodda dalka ee maaraynta musiibooyinka.



