HomeXulkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah oo ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, isagoo shirka ka jeediyay hadal uu kaga hadlay caqabadaha waaweyn ee dunidu maanta wajahayo iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dunidu ay wajahdo caqabado isbiirsaday oo ay kamid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada, kuwaas oo uu sheegay inay u baahan yihiin in si wadajir ah oo iskaashi ku dhisan looga hortago.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shirka kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay, isagoo soo bandhigay dadaallada dowladda ee ku aaddan xasillinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo xusay muhiimadda ay taageeradaasi u leedahay dadaallada dalka loogu dhisayo mustaqbal ku saleysan nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha, caddaaladda iyo sinnaanta, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Shirka ka socda Belgrade ayaa sidoo kale fursad u ah madaxda iyo wakiillada dalalka ka qaybgalaya inay ka wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dunida, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dalalka.

Ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee shirka ayaa Soomaaliya siinaya fursad ay ku soo bandhigto mowqifkeeda ku aaddan arrimaha caalamiga ah, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka kale ee caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments