HomeWarkaSawiro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Gaalkacyo

Sawiro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay Garoonka Cabdullaahi Ciise.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka deegaanka, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo.

Soo dhaweynta ayaa ahayd mid ay shacabka ku muujinayeen taageerada iyo soo dhaweynta Madaxweynaha, iyadoo loo diyaariyay munaasabad ka tarjumeysa muhiimadda uu leeyahay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo safarkiisa lagu wado in diiradda lagu saaro arrimaha amniga, horumarka, dowlad-dhiska iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada deegaanka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah socdaallada uu ku tagayo qaar ka mid ah deegaannada dalka, kuwaas oo uu kula kulmayo bulshada iyo madaxda maamullada, si loo xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta heer federaal iyo heer deegaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments