
Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mauritania.



