Doodda iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, iyadoo qorshuhu yahay in la kala diro Guddiga Doorashooyinka Qaranka, lana sameeyo hannaan cusub oo lagu maamulayo doorashada.
Sida xogaha laga helayo wada-hadallada siyaasadeed ay tilmaamayaan, guddiga hadda jira ayaa la qorsheynayaa in lagu beddelo Taskforce cusub, kaas oo ka duwan qaabkii hore ee loo maamuli jiray geeddi-socodka doorashooyinka.
Taskforce-ka cusub ayaa la filayaa in lagu saleeyo matalaad labada dhinac ah, iyadoo xubno laga keenayo Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka, si loo helo hannaan ay dhinacyadu si wadajir ah u maamulaan, isla markaana meesha looga saaro in dowladda keliya ay gacanta ku hayso maamulka doorashada.
Awoodaha Taskforce-ka
Taskforce-ka ayaa la filayaa inuu yeesho awood ballaaran oo la xiriirta diyaarinta iyo maareynta geeddi-socodka doorashada, oo ay ku jiraan isku-duwidda howlaha farsamo, diyaarinta jadwalka doorashada, la shaqeynta hay’adaha ay khuseyso iyo hubinta in geeddi-socodku u dhaco si ay dhinacyada siyaasadeed ugu wada qanacsan yihiin.
Sidoo kale, qorshahan cusub wuxuu meesha ka saaraya qaabkii hore ee ahaa in hay’adaha doorashadu ay si weyn ugu tiirsanaadaan Dowladda Federaalka, taas oo ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu waaweynaa ee mucaaradka iyo maamul-goboleedyadu ay dhaliilsanaayeen.
Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in Taskforce-ka lagu dari doono xubno matalaya mucaaradka, Puntland, Jubbaland, bulshada rayidka ah iyo Dowladda Federaalka, si loo helo guddi farsamo oo ay dhinacyada kala duwan wada leeyihiin.
Sheekadii doorashooyinka oo wejigeeda beddeshay
Isbeddelkan ayaa muujinaya in doodda doorashooyinka Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii hore ee ku dhisnayd oo keliya qof iyo cod, iyadoo hadda diiradda lagu saarayo cidda maamulaysa doorashada, cidda go’aaminaysa jadwalkeeda iyo sida loo xaqiijinayo kalsoonida dhinacyada siyaasadda.
Muddooyinkii u dambeeyay, khilaafka doorashadu wuxuu ahaa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee sii kala fogeeyay Dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka Muqdisho.
Dhinacyada mucaaradka ayaa muddo dheer ku doodayay in aan dowladda loo oggolaan karin inay kaligeed maamusho doorashada, halka Dowladda Federaalka ay ku adkaysanaysay in hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay yihiin kuwa awoodda u leh diyaarinta iyo qabashada doorashooyinka.
Haddaba, haddii qorshaha Taskforce-ka la dhaqan-geliyo, waxaa muuqata in qaabkii hore ee maamulka doorashadu uu soo dhammaanayo, iyadoo loo gudbayo hannaan ay dhinacyada siyaasadeed si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan maamulka geeddi-socodka.
Arrintan ayaa sidoo kale meesha ka saari karta qaar ka mid ah cabashooyinkii ugu waaweynaa ee laga qabay guddiga doorashooyinka ee hadda jira, iyadoo la filayo in guddiga cusub uu yeesho qaab-dhismeed ka tarjumaya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, su’aasha ugu weyn ayaa hadda ah awoodda dhabta ah ee Taskforce-ka, cidda magacaabaysa, sida go’aamadiisa loo meel-marinayo iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadeed ay aqbali doonaan natiijada uu soo saaro.
Haddii heshiiskan siyaasadeed si buuxda loo dhaqan-geliyo, waxay noqon kartaa tallaabo wax weyn ka beddeli karta hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo maamulka doorashada laga wareejinayo qaabkii hore, loona gudbinayo hannaan wadaag ah oo ay dowladda iyo dhinacyada siyaasadda ku lugta leh si wadajir ah uga qeyb qaataan.



