Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guul-darraysatay inay dhaqan-geliso Dastuurka cusub, iyadoo shalay ay ku ekayd muddo lix bilood ah oo dowladda horey u sheegtay inay ku dhammaystirayso diyaarinta iyo hirgelinta qodobbada Dastuurka.
Xukuumadda Federaalka ayaa muddadaas gudaheeda ku guul-darraysatay inay si buuxda u kala saarto xilalka iyo waajibaadka mas’uuliyiinta dowladda, gaar ahaan wasiirrada iyo xildhibaannada isku haya labada xil, taas oo ka mid ah qodobbada muranka ka dhashay Dastuurka cusub.
Sidoo kale, waxaa weli jira mas’uuliyiin haya xilal is-dulsaaran iyo xilal kale oo ay dood ka taagan tahay inay waafaqsan yihiin Dastuurka cusub iyo in kale. Arrintan ayaa sii xoojisay su’aalaha laga qabo sida ay dowladda uga go’an tahay dhaqan-gelinta Dastuurka ay dhawaan ansixintiisa ku dhawaaqday.
Dastuurkan cusub ayaa tan iyo markii la soo bandhigay waxaa si adag uga hor yimid Puntland iyo Jubbaland, iyadoo labada maamul ay ku doodeen in aan loo marin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana aanay qeyb ka ahayn geeddi-socodka lagu diyaariyay laguna ansixiyay.
Sidoo kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa horay uga muujiyay walaac iyo dood ku saabsan qodobbada Dastuurka, iyagoo su’aalo ka keenay habka loo maray ansixintiisa iyo qaar ka mid ah qodobbada uu xambaarsan yahay.
Mucaaradka Muqdisho ayaa iyaguna bilowgii si cad u diiday Dastuurka cusub, iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, islamarkaana aysan qeyb ka ahayn dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Hase yeeshee, xaaladda ayaa hadda yeelatay dhinac kale, iyadoo dowladda Federaalka oo markii hore ku adkaysanaysay in Dastuurka cusub uu yahay saldhigga nidaamka siyaasadeed ee dalka, ay iyadu lafteedu ku adkaatay inay si buuxda ugu dhaqanto muddo lix bilood ah kadib.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan cidda si dhab ah u dhaqan-gelinaysa Dastuurka, iyo sida loo xallin doono qodobbada weli aan la waafajin hay’adaha dowladda iyo masuuliyiinta xilalka isku haya.
Dhinacyada siyaasadda ayaa sidoo kale is weydiinaya in dowladda ay awood u leedahay inay hirgeliso dhammaan qodobbada Dastuurka xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka, maamul-goboleedyada iyo mucaaradka.
Muddo lix bilood ah oo dowladda ay horey ugu ballanqaadday inay ku dhammaystirayso tallaabooyinka looga baahan yahay dhaqan-gelinta Dastuurka ayaa hadda dhammaatay, iyadoo aan weli muuqan hirgelin buuxda oo ka jawaabaysa dhammaan qodobbada muranka dhaliyay.



