MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta awoodda ciidanka, tayeynta tababarrada iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada tababarka, khibrad-wadaagga iyo horumarinta awoodaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya yeelato ciidan cirka ah oo leh awood iyo aqoon ku filan oo ka qeyb qaata sugidda amniga iyo difaaca hawada dalka.
Booqashada wafdiga sare ee Ciidanka Cirka Pakistan ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee labada dal, iyadoo Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu dib-u-dhisayo laguna tayeynayo Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan qeybaha muhiimka ah ee ciidamada.
Dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la xiriira qorshaha dowladda ee xoojinta awoodaha difaaca dalka iyo dardargelinta howlaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.










