Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta khudbad ka jeedinaya kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Erdoğan ayaa u safray magaalada New York maalintii Isniinta, 21-kii Sebtembar, si uu uga qaybgalo fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana u yeesho kulamo kala duwan.
Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ayaa bilaaban doona 22-ka Sebtembar, iyadoo hal-ku-dhiggiisu yahay “Dib-u-dhiska kalsoonida iyo maaraynta isbeddelka: Qaramada Midoobay oo natiijooyin u keenta dhammaan”.
Waxaa la filayaa inay Golaha Guud ka soo qaybgalaan hoggaamiyeyaal heer sare ah oo ka kala socda 195 waddan.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, Erdoğan oo markii 16-aad khudbad ka jeedin doona Golaha Guud ayaa la filayaa inuu noqdo qofka afraad ee hadlaya



