HomeWarkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo New York kulamo doceedyo kula yeeshay hoggaamiyeyaal caalami...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kulamo doceedyo kula yeeshay hoggaamiyeyaal caalami ah

New York — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay madax iyo hoggaamiyeyaal ka qeybgalaya Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaamiyeyaasha uu la kulmay la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga, dimuqraadiyeynta, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay dhinacyada uu la kulmay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo xoogga la saarayo meelaha ay labada dhinac ka leeyihiin dano iyo himilooyin wadaag ah.

Kulanka Serbia ayaa sidoo kale daba socda wadahadallo hore oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Aleksandar Vučić ay ku yeesheen Belgrade horraantii bishan, kuwaas oo lagu soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga.

Dhanka Senegal, Madaxweyne Bassirou Diomaye Faye ayaa sheegay in kulankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ay labada dhinac uga hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Senegal iyo arrimaha nabadda iyo amniga ee qaaradda Afrika, oo ay ku jirto la-dagaallanka argagixisada.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah howlaha diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York, iyadoo Soomaaliya ay ka qeybgaleyso Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigeyso mudnaanta dalka ee dhinacyada amniga, horumarka, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments