Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo looga hadlay u-diyaargarowga xaaladda El Niño ee 2026–2027 iyo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño 2026–2027, kaas oo loogu talagalay in lagu mideeyo dadaallada iyo masuuliyadaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose.
Qorshahan ayaa maanta la ansixiyay, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo soo-kabashada.
Qorshaha Qaran ayaa sidoo kale xoogga saaraya xoojinta nidaamyada digniinta hore, la socodka khataraha iyo isku-duwidda hay’adaha, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada iyo in si degdeg ah looga jawaabo baahiyaha bulshada.
Sidoo kale, qorshuhu wuxuu mudnaan siinayaa ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah, kuwaas oo saameyn kara xaaladaha cimilada ee la xiriira El Niño.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa dhammaan hay’adaha iyo hawl-wadeennada ku adkeeyay in awaamiirta iyo qorshaha la ansixiyay si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka la filayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaar-garowga hore iyo wada-shaqeynta hay’adaha ay muhiim u yihiin in la yareeyo khasaaraha ka dhalan kara khataraha cimilada, loona diyaargaroobo xaalad kasta oo saameyn ku yeelan karta bulshada iyo adeegyada muhiimka ah.


























