Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubbaland, Maxamed Xuseen Alqaadi, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda roobabka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay mar kale saameeyaan deegaannada gobolka.
Guddoomiyaha oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujineyso in Gedo uu ka mid yahay gobollada sida weyn looga cabsi qabo inay saameeyaan fatahaado, iyadoo ay isa soo tarayaan digniinaha la xiriira roobabka iyo kororka biyaha webiyada.
Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha biyo fariisadka ah, hareeraha webiyada iyo goobaha ay suuragalka tahay inay gaaraan biyaha fatahaaduhu.
“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka dhibaatooyinka laga cabsi qabo inay iska ilaaliyaan, kana fogaadaan meelaha laga fili karo fatahaadaha. Waxaan ku boorineynaa shacabka inay aadaan meelaha aysan biyaha gaari karin, si aysan waxyeelo u soo gaarin,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah deegaannada gobolka ay durba sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Wuxuu si gaar ah u xusay degmada Buurdhuubo, halkaas oo uu sheegay in roobab culus ay saameeyeen dadka iyo xoolaha, iyadoo uu sheegay in hal qof uu ku dhintay, sidoo kalena ay jiraan guryo iyo xoolo waxyeello soo gaartay.
“Hadda degmada Buurdhuubo roob ayaa ka da’ay, xoolana waa ku dhammaadeen, guryihiina way saameeyeen, hal qofna waa ku dhintay. Waxaan rabnaa arrintaas inaan uga digno shacabka,” ayuu yiri Alqaadi.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay bulshada inay is caawiyaan, isla markaana ay isku gurmadaan haddii ay xaaladdu kasii darto ama ay fatahaado iyo roobab xooggan ka dhacaan gobolka.
Wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu dadaallo ka wado sidii loogu diyaar garoobi lahaa xaaladaha deg-degga ah, iyadoo la kaashanayo hay’adaha samafalka iyo dhinacyada kale ee ku shaqada leh gurmadka bani’aadannimo.
Gedo ayaa horey u wajahday fatahaado xooggan oo saameeyay nolosha dadka iyo dhaqaalaha deegaanka, waxaana fatahaadihii hore ay waxyeello u geysteen waddooyin iyo buundooyin muhiim u ahaa isku socodka gobolka.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa hadda shacabka ugu baaqaya feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan dadka ku nool meelaha u dhow webiyada iyo goobaha ay fatahaaduhu si joogto ah u saameeyaan.



