HomeWarkaNISA OO SHEEGTAY IN HOWLGAL LAGU DILAY 12 XUBNOOD OO KA TIRSAN...

NISA OO SHEEGTAY IN HOWLGAL LAGU DILAY 12 XUBNOOD OO KA TIRSAN AS

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo hay’addu sheegtay in lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada intii uu howlgalka socday ay burburiyeen agab ciidan iyo goobo ay kooxda gabbaad ka dhigganaysay, iyadoo howlgalka lagu tilmaamay mid si qorsheysan loo fuliyay.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ciidamada ay weli wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo xubno ka tirsan kooxda oo ka firxaday goobta kadib markii uu howlgalka dhacay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments