Baydhabo – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa si adag uga hadlay dilka Ikhlaas, oo ahayd gabar shan jir ah laguna dilay magaalada Baydhabo, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo xaqiijiyo caddaaladda gabadhaasi iyo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug leh falkaasi.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dilka Ikhlaas uu yahay fal naxdin leh oo ka hor imanaya xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta, isla markaana u baahan baaritaan hufan iyo isla-xisaabtan dhab ah.
Guddigu wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga, garsoorka iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u dardargeliyaan baaritaanka kiiska, si loo helo caddaalad buuxda oo loo sameeyo gabadha yar iyo qoyskeeda.
“Carruurta waxay xaq u leeyihiin badbaado, ilaalin iyo nolol sharaf leh. Dilka Ikhlaas wuxuu dhaawac weyn ku yahay qoyska, bulshada iyo guud ahaan xuquuqda carruurta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
GMXIQ ayaa sidoo kale ku boorriyay hay’adaha ay khuseyso inay xaqiijiyaan in qoyska Ikhlaas ay helaan caddaalad iyo taageero ku habboon, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta carruurta iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah.
Dhanka kale, bulshada rayidka ah iyo shacabka ku dhaqan Baydhabo ayaa si weyn uga falceliyay dhacdadan murugada leh, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo soo qabto loona maxkamadeeyo cid kasta oo ka dambeysay dilka gabadha yar.
Kiiska Ikhlaas ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka, iyadoo dad badan ay ku baaqayaan in la helo caddaalad, isla markaana la xoojiyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.




