HomeWarkaRaโ€™iisul Wasaare Xamsa: Dowladda iyo Al-Shabaab Wax Wada Hadal Ah Uma Socdo

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa: Dowladda iyo Al-Shabaab Wax Wada Hadal Ah Uma Socdo

Muqdisho โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay inaysan jirin wax wada hadal ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab, isagoo beeniyay warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay oo sheegayay in labada dhinac ay wadahadallo yeesheen.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhexeeyo dagaal toos ah, isla markaana dowladda ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ah in dalka laga xoreeyo kooxda.

โ€œMa jiro wax wada hadal ah oo u socda dowladda iyo Al-Shabaab. Dowladda waxaa ka goโ€™an la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa,โ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaruhu.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladda Federaalka ay sii wadayso howlgallada amniga iyo kuwa milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxda.

Hadalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayeen warar iyo hadal-heyn la xiriirtay suurtagalnimada wada hadal u dhexeeya dowladda iyo Al-Shabaab, arrintaas oo hadda uu si cad u beeniyay madaxda xukuumadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in mudnaanteeda koowaad ay tahay sugidda amniga dalka, xoreynta deegaannada ay kooxda Al-Shabaab kaga sugan tahay qeybo ka mid ah dalka iyo xoojinta awoodda hayโ€™adaha amniga.

Hadalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa mar kale muujinaya mowqifka dowladda ee ku aaddan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo xukuumaddu adkaynayso in aanay jirin wax wada xaajood ah oo haatan u socda labada dhinac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments