HomeWarkaWasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS oo La Kulmay Carruurta Agoonta XD

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS oo La Kulmay Carruurta Agoonta XD

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan xogwaraysi iyo dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah carruurta agoonta ah ee ay ka tageen halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nololeed, waxbarashada iyo baahiyaha carruurtaasi, iyadoo mas’uuliyiintu ay si dhow uga dhageysteen warbixino la xiriira duruufaha ay ku nool yihiin iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa carruurta ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada waalidiintoodii ku shahiiday difaaca qaranka, isagoo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay masuuliyad gaar ah iska saareyso daryeelkooda iyo mustaqbalkooda.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in geesiyaasha ku shahiiday difaaca dalka ay leeyihiin maamuus iyo xushmad gaar ah, isla markaana aan la iloobi doonin qoysaskii iyo carruurtii ay ka tageen.

Mas’uuliyiinta ayaa carruurta u ballanqaaday in si joogto ah looga warqabi doono xaaladdooda, lana xoojin doono taageerada dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka guud, si loo xaqiijiyo in ay helaan fursadaha ay mudan yihiin.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso qoysaska ciidamada qalabka sida ee naftooda u huray difaaca dalka, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka qoysaska geesiyaasha qaranka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments