HomeWarkaDowladda oo markii ugu horeysay Qiratay fashilka La dagaalanka AS.

Dowladda oo markii ugu horeysay Qiratay fashilka La dagaalanka AS.

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay marxaladihii hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in howlgallada militari ay ku billowdeen xaalad ay jireen caqabado la xiriiray diyaar-garow iyo qorsheyn la’aan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalka lagu galay xilli aan weli si buuxda loo dhameystirin diyaarinta ciidamada iyo qorshayaasha lagama maarmaanka u ah howlgalka, taasoo keentay in ciidamo aan tababar ku filneyn loo diro furimaha dagaalka.

Sida uu sheegay, waxaa jiray askar loo waday tababarro ciidan oo dib loo soo celiyay si ay uga qeyb qaataan dagaalka, arrintaas oo muujineysa heerka degdegga ah ee lagu bilaabay wejiyada hore ee howlgalka.

“Dagaalku wuxuu ku billowday xaalad adag, waxaana jiray baahi degdeg ah oo loo qabay in la wajaho khatarta Al-Shabaab. Taas awgeed, waxaa jiray ciidamo aan weli dhameysan tababarkoodii oo loo baahday in ay ka qeyb qaataan howlgalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalka Xamsa Cabdi Barre ayaa iftiiminaya caqabadihii ay dowladda wajahday xilligii la bilaabay gulufka militari ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, howlgalkaas oo dowladda Federaalka ay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu xoreynayo deegaannada ay kooxdaasi kaga sugan tahay dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in inkastoo ay jireen duruufo adag iyo diyaar-garow kooban, haddana ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo iyo iskaashi horseeday in deegaanno badan laga saaro Al-Shabaab.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay dib u qiimeyneyso istaraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo xoogga la saarayo tayeynta ciidamada, tababarrada iyo qorsheynta howlgalada mustaqbalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments