Dagaal culus ayaa saaka markale ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Baydhabo, iyadoo rasaas iyo hub culus laga maqlay qaybo kala duwan oo magaalada ah.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo ciidamo hubeysan oo gudaha magaalada lagu arkayo. Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada weerarka qaaday ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan Baydhabo.
Dhinacyada dagaalka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in la adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu rakibay walxaha qarxa.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay isku dayeen inay soo ridaan diyaaradahaas, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan tirada diyaaradaha iyo khasaaraha ka dhashay lama xaqiijin si madax-bannaan.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Baydhabo ay muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Laftagareen.
Baydhabo ayaa horay uga dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan Laftagareen, waxaana dagaalladii hore ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray shacabka.
Warar la daabacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo taabacsan Laftagareen ay ku sugnaayeen ama kusoo dhowaadeen duleedka Baydhabo, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaal kale uu ka qarxo magaalada.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si buuxda u caddeynaya tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka saaka, waxaana sidoo kale weli la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxda dowladda iyo dhinaca ciidamada taabacsan Laftagareen.
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo dadka shacabka ah ay wajahayaan cabsi iyo walaac ku saabsan dagaalka iyo saameynta uu ku yeelan karo amniga iyo isu-socodka magaalada.



