Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dibadb-baxayo waa wayn oo looga soo horjeedo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka isku sidkan ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, kuwaas oo ka qayb-galay banaanbaxa oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha diidan musharraxnimada madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhawaan la siiyay kaarka Xisbiga Cadaaladda iyo Wajirka.
Ka qayb-galayaasha dibadbaxa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax ay ku tilmaameen doorasho hal dhinac ah oo laga qaban-qaabinayo deegaannada maamulka HirShabelle.
Sidoo kale, waxa ay intaasi ku daray inay la dareen yihiin Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo siyaasiyiinta kale ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Beledweyne, kuwaas oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashada HirShabelle.
“Banaanbax maanta ka jiraa Beledweyne waa banaanbax nabadeed waxaa lagu taageeraa Ugaaskeenna qiimaha badan. Hiiraan waa saldhiggii Soomaaliya waa meeshii laga aas aasay Soomaaliya,” ayuu yiri mid kamid dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Beledweyne.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Qof la caynaayo ma jiro ama la xumeynaayo waxaan rabnaa inaan calankii Soomaaliyeed ka taagno guul, Soomaaliya hanoolaato”.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli beesha Xawaadle ay muddooyinkii dambe dooneysay inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle, waxayna haatan si adag u diidan tahay go’aanka uu xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu musharaxa u siiyay Cali Guudlaawe oo haatan hoggaamiya maamulka.



