HomeWarkaIIRAAN OO KU BAAQAY IN DALALKA YURUB LAGALA XISAABTAMO DOORKOODA DAGAALKA BARIGA...

IIRAAN OO KU BAAQAY IN DALALKA YURUB LAGALA XISAABTAMO DOORKOODA DAGAALKA BARIGA DHEXE

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail Baghaei, ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah NATO ay tahay in lala xisaabtamo doorkooda ku aaddan hawlgalladii militari ee Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Iran.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu sheegay in dalal badan oo Yurub ah ay Mareykanka siiyeen taageero la xiriirta isticmaalka saldhigyada iyo howlaha saadka intii uu socday dagaalka Iran. Rutte ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 5,000 duullimaad oo militari ay ka duuleen saldhigyo Yurub ah iyadoo ay qayb ka ahaayeen hawlgallada Mareykanka.

Baghaei ayaa sheegay in hadallada Rutte ay muujinayaan, sida ay Tehran u aragto, in qaar ka mid ah dowladaha Yurub ay si toos ah ama si dadban uga qayb qaateen hawlgallada milatari.

Afhayeenka Iran ayaa ku baaqay in la baaro nooca taageerada milatari, siyaasadeed iyo saadka ee ay dowladaha Yurub siiyeen Mareykanka, isagoo ku doodaya in taageeradaasi ay qayb ka ahayd hawlgallada sababay dhimasho iyo burbur.

Baqaei wuxuu sidoo kale sheegay in muwaadiniinta Yurub ay xaq u leeyihiin inay dowladahooda weydiiyaan go’aannadii laga qaatay dagaalka iyo heerka ay dalalkoodu uga qaybqaateen.

Mark Rutte ayaa horey u caddeeyay in NATO lafteedu aysan si toos ah uga qaybqaadan hawlgallada militari ee Iran, maadaama dagaalku ka dhacay meel ka baxsan dhulka NATO. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dalalka Yurub ay leeyihiin heshiisyo laba-geesood ah oo u oggolaanaya Mareykanka inuu adeegsado saldhigyadooda.

Sidaas darteed, doodda hadda taagan ayaa u dhexeysa sheegashada Iran ee ah in taageerada Yurub ay ka dhigan tahay ka-qaybgal dagaal iyo mowqifka NATO ee ah in hawlgalladaasi aysan ahayn hawlgal NATO oo wadajir ah.

Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in saameynta dagaalka, oo ay ka mid yihiin kororka qiimaha shidaalka iyo dhibaatooyinka dhaqaale, lagu qiimeeyo iyadoo la tixgelinayo doorka iyo go’aannada dowladaha Yurub.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Iran, Mareykanka iyo Israa’iil ay weli saameyn ku leedahay amniga iyo xiriirka siyaasadeed ee dalalka Yurub iyo Bariga Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments