NEW YORK, Waxaa xalay saqdii dhexe kulan gaar ah ku dhexmaray magaalada New York Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali “Dhaay”, iyadoo kulanka uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxa shirkadda Dahabshiil ee Mareykanka.
Kulanka ayaa lagu sheegay inuu ka dhacay hotelka uu magaalada New York ka degan yahay Madaxweyne Cirro, xilli magaalada ay ku sugan yihiin madax iyo wafdiyaal badan oo ka qeybgalaya Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waxa ay saddexda dhinac ka wada hadleen, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kulanka ka qeybgalay oo faahfaahinaya ajandaha ama natiijada kulanka.
Cabdisalaan Dhaay ayaa ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale ku sugan yahay New York isaga oo ka qeybgalaya kulamada iyo howlaha diblomaasiyadeed ee la xiriira Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayeen warar iyo hadal-heyn la xiriirta dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku doonayso inay dalal kale ka hesho taageero iyo aqoonsi, gaar ahaan kaddib markii SRL ay aqoonsatay Somaliland.
Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Dhaay, uu xiriirro iyo wadahadallo diblomaasiyadeed la yeeshay qaar ka mid ah dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wararka sheegaya inuu dalal gaar ah kala hadlay aqoonsiga Somaliland.
Arrinta ugu hadal-heynta badan ayaa ah haddii kulanka New York uu ahaa mid siyaasadeed oo la xiriira dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland, xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, ama arrimo kale oo diblomaasiyadeed. Ilaa hadda, ma jiro caddeyn rasmi ah oo lagu xaqiijinayo waxa kulanka looga hadlay.
Dhinaca kale, Madaxweyne Cirro ayaa maalmihii lasoo dhaafay New York iyo Washington ku lahaa kulamo dhowr ah oo la xiriira xiriirka Somaliland iyo Mareykanka, amniga gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga. Wararka laga helayo safarkiisa ayaa muujinaya in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay ka mid tahay arrimaha uu xoogga saarayo intii uu ku sugnaa Mareykanka.
Kulanka habeenkii xalay dhacay ayaa sidaas darteed soo jiitay dareenka, maadaama uu dhexmaray mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, iyadoo labada dhinac ay muddo dheer ku kala aragti duwanaayeen arrinta mustaqbalka siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.



