HomeWarkaShirkadda Simodi oo Dubai ku Daahfurtay SIMODI GOLD APP

Shirkadda Simodi oo Dubai ku Daahfurtay SIMODI GOLD APP

Shirkadda Simodi ayaa magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta ku daahfurtay Application-ka casriga ah ee SIMODI GOLD APP, kaas oo loogu talagalay in dadka isticmaala ay si fudud uga iibsadaan dahab, u kaydsadaan, ula socdaan qiimaha dahabka, isla markaana dib uga iibiyaan.

Munaasabad ballaaran oo lagu daahfurayay SIMODI GOLD APP ayaa lagu qabtay Dubai, waxaana ka qeyb galay ganacsato, maalqabeenno Soomaaliyeed, maal-gashadayaal caalami ah, marti sharaf iyo shaqsiyaad caan ah.

SIMODI GOLD ayaa lagu tilmaamay suuq casri ah oo adeegsanaya tiknoolajiyadda, kaas oo qofka u fududeynaya inuu adeegyada dahabka ku maareeyo mobile-kiisa, isaga oo awood u leh inuu iibsado, kaydsado, la socdo isbeddelka qiimaha dahabka, ama iibiyo.

Shirkaddu waxay sheegtay in daahfurka SIMODI GOLD uu astaan u yahay marxalad cusub oo ku saabsan helitaanka iyo ka ganacsiga dahabka, iyadoo isku darsanaysa tiknoolajiyadda casriga ah, aqoon iyo adeegyo dijitaal ah.

SIMODI GOLD ayaa sidoo kale sahli kara in dadka isticmaala ay si fudud u helaan fursadaha kaydinta iyo ka ganacsiga dahabka, iyagoo adeegsanaya nidaam dijitaal ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments