Mohammad Baqer Zolghadr, oo ah la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in Iran aysan doonayn inay dib u furto Marinka Hormuz inta uu Donald Trump xilka Madaxweynaha Mareykanka hayo.
Zolghadr, oo hadalkiisa ay Khamiistii baahisay wakaaladda wararka Iran, ayaa sheegay in Iran ay go’aansatay inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay “iska-caabbinta cadowga gardarrada wada”, isagoo sheegay in furitaanka marinka Hormuz uusan dhici doonin ilaa Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu laga “tuuro” xilalka ay hayaan.
Wuxuu hadalkiisa ku tilmaamay arrintan “marxaladda koowaad ee aargoosiga Iran”, taasoo muujinaysa mowqif adag oo ay qaar ka mid ah madaxda Iran ka qaateen dagaalka iyo cadaadiska Mareykanka iyo Israel.
Kala aragti duwanaanshaha gudaha Iran
Hadalka Zolghadr ayaa kusoo beegmaya iyadoo gudaha Iran ay ka jirto dood ku saabsan jihada laga qaadayo dagaalka iyo suurtagalnimada in dib loogu laabto wada-hadallo lala yeesho Mareykanka.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadda Iran ayaa taageeraya in dib loogu laabto wada-xaajoodka, halka saraakiil kale oo si adag uga soo horjeeda Mareykanka ay ku baaqayaan in dagaalka la sii wado, isla markaana Marinka Hormuz uu sii xirnaado.
Mowqifyadan kala duwan ayaa muujinaya in hoggaanka Iran uu wajahayo go’aan adag oo ku saabsan sida loo dheellitirayo cadaadiska milatari iyo kan dhaqaale iyo baahida loo qabo in la yareeyo saameynta dagaalka ku yeelanaya shacabka.
Xaaladda dhaqaale oo sii adkaanaysa
Dhanka kale, xaaladda dhaqaale ee Iran ayaa wajahaysa cadaadis ka dhashay cunaqabateynta dhaqaale, sicir-bararka iyo carqaladaha ganacsiga iyo maraakiibta ee ka jira koonfurta dalka.
Hoos u dhaca qiimaha lacagta dalka ee Rial-ka marka loo eego lacagaha qalaad ayaa sidoo kale kordhiyay culayska dhaqaale ee saaran shacabka, iyadoo qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada uu sare u kacayo.
Marinka Hormuz, oo isku xira Gacanka Faaris iyo Gacanka Cumaan, ayaa ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta caalamka. Sidaas darteed, sii xirnaanshihiisa waxay saameyn ku yeelan kartaa isu-socodka maraakiibta iyo suuqyada tamarta, iyadoo cabbirka saameyntu ku xirnaanayo muddada iyo heerka carqaladda.



