Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda diyaar-garowga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado, iyadoo la eegayo saadaasha roobab culus iyo khataraha fatahaadaha ee la filayo.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshayaasha diyaar-garowga iyo jawaab-celinta degdegga ah ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan meelaha ay suuragalka tahay inay saameeyaan roobabka iyo fatahaadaha.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa guddiga la wadaagay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan diyaar-garowga El Niño, iyo xogaha ugu dambeeyay ee la xiriira saadaasha cimilada iyo khataraha laga filan karo xaaladaha roobabka.
Kulanka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda, diyaarinta qorsheyaasha gurmadka iyo qaadashada tallaabooyin hore, si looga hortago ama loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo roobabka culus.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay guddiga muhiimadda ay leedahay in aan la sugin inta ay musiibadu dhacdo, balse la qaado tallaabooyin hore oo ku saleysan saadaasha iyo qiimeynta khataraha, si loo ilaaliyo nolosha dadka, hantida iyo deegaannada ay khataruhu saameyn karaan.
SoDMA iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha kala duwan ay yeeshaan iskaashi iyo xog-wadaag joogto ah, si jawaabta musiibooyinka loo gaarsiiyo bulshada xilliga loo baahdo.







