HomeWarkaWasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka...

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha milatariga ee labada dal.

Wafdiga Pakistan ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed kala hadlay fursadaha lagu horumarin karo tababarrada iyo tayeynta ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo taageerada farsamo ee la xiriirta dhismaha awoodaha Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo iskaashiga milatari iyo tababarrada ciidamada.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida, iyadoo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah uu qayb ka yahay qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda ciidamada qaranka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments