Muqdisho — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in taageerada wax-soo-saarka gudaha ay muhiim u tahay yareynta ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay leedahay qorshe lagu taageerayo wax-soo-saarka gudaha, si loo dhiirrigeliyo ganacsatada iyo wax-soo-saarayaasha Soomaaliyeed, loona kordhiyo waxyaabaha dalka gudihiisa lagu soo saaro.
“Markii aan taageerno wax-soo-saarka gudaha dalka, ayaan ka maarmeynaa badeecadaha dibadda innooga yimaada, waxaana leenahay qorshe adag oo lagu taageerayo waxa aan annagu soo saarnay,” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay xoogga saareyso kobcinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado dhaqaale oo ka faa’iideysta khayraadka dalka.
Dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha ayaa sidoo kale la xiriirta dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha shaqo, lagu taageerayo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in qayb ka mid ah baahida suuqa gudaha lagu daboolo badeecooyin dalka lagu sameeyo.
Dowladda Federaalka ayaa marar kala duwan tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha, si loo xoojiyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee dalka.



