Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warqad furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo caqabadaha ka taagan gudaha dalka, xilli lagu jiro marxalad adag oo xasaasi ah.
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku muujiyay baahida loo qabo in madaxda Soomaaliyeed ay wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed u maraan xalinta khilaafaadka taagan , wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in la raadiyo waddo siyaasadeed oo dalka looga gudbiyo xaaladda cakiran.
Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay talooyin saddex qodob ah oo ku aaddan raadinta xal looga gudbi karo arrimaha taagan ee masiiriga ah, isagoo Madaxweynaha ka dalbaday inuu hormuud ka noqdo wada-xaajood qaran oo ku dhisan tanaasul, si loo gaaro heshiis loo dhanyahay.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale soo hadal qaaday warqadaha ay Puntland iyo Golaha Mustaqbalka u direen Golaha Ammaanka, isagoo sheegay inay muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.






