Ciidamada Difaaca Badda ee Dowladda Puntland ayaa sheegay inay xeebaha Gobolka Mudug kula wareegeen markab ay haysteen koox lagu eedeeyay burcad-badeed, kaddib howlgal ay ka sameeyeen xeebaha gobolka.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay 14 qof oo lagu sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda burcad-badeedda ee gacanta ku haysay markabka, sida ay sheegeen ciidamada Puntland.
Markabka oo lagu magacaabo MT Sibu 1, isla markaana watay calanka Eritrea, ayaa sida lagu sheegay warbixinnada la helayo laga qafaashay xeebaha dalka Yemen, ka hor inta aan lagu soo qaban biyaha iyo xeebaha Gobolka Mudug.
Ciidamada Difaaca Badda Puntland ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga xeebaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo maraakiibta iyo doomaha isticmaala biyaha Soomaaliya.
Qabashada markabkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli jiraan walaacyo la xiriira dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, iyo khatarta ay taasi ku yeelan karto maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha gobolka.
Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin halka uu markabku ku wajahan yahay, xaaladda shaqaalihii saarnaa ama tallaabada xigta ee laga qaadi doono 14-ka qof ee ciidamada Puntland ay sheegeen inay soo qabteen.



