HomeWarkaTaliyaha Ciidamada Itoobiya oo Ka Hadlay Isbahaysi Cusub oo Lagu Mucaaradayo Dowladda...

Taliyaha Ciidamada Itoobiya oo Ka Hadlay Isbahaysi Cusub oo Lagu Mucaaradayo Dowladda Abiy Axmed

Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa sheegay in isbahaysiga cusub ee lagu magacaabo “Friendship for Survival”, kaas oo la sheegay inuu doonayo in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, uusan gaari doonin hadafkiisa.

Wareysi uu siiyay telefishinka dowladda Itoobiya ee ETV, Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay taageero siineyso kooxda TPLF ee gobolka Tigray, isagoo sheegay in Asmara ay kooxdaas ku taageereyso dhaqaale, agab ciidan iyo abaabulka xoogag taageersan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Masar, Sudan iyo dhinacyo kale ay gacan ka geysanayaan taageerada la siinayo TPLF iyo Eritrea, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo faahfaahsan oo ku saabsan eedeymahaas.

Berhanu Jula wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Itoobiya ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay khataraha amni ee dalka, isaga oo ka digay in Ciidanka Cirka Itoobiya aysan hawlgalladooda ku koobnaan doonin oo keliya deegaannada ku dhow xuduudaha dalka.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Itoobiya kama uusan hadlin dagaallada iyo iska horimaadyada la soo sheegay inay ka billowdeen qaybo ka mid ah dalka maalmihii ugu dambeeyay.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa iyaduna si kooban uga warbixisay xaaladaha amni ee ka jira gobollada Tigray, Canfarta iyo Amxaarada, kuwaas oo muddooyinkii la soo dhaafay laga soo sheegayay xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay jiraan warar ku saabsan isbahaysiyo cusub iyo dhaqdhaqaaqyo mucaarad oo ka dhan ah dowladda Federaalka Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments