Dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan Tigray iyo Amhara, halka xaaladda amni ay sidoo kale saameyn ku yeelatay qaybo ka mid ah gobolka Afar. Warbixinno cusub ayaa tilmaamaya in dagaalladu yihiin kuwii ugu cuslaa tan iyo heshiiskii nabadeed ee 2022.
Dhanka kale, Eritrea ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay ee ah inay taageerayso kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in Addis Ababa ay isku dayeyso inay mas’uuliyadda dhibaatooyinka gudaha u weeciso dalalka deriska ah.
Dowladda Itoobiya iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidankeeda ayaa horey Eritrea, Sudan iyo Masar ugu eedeeyay inay taageero siiyaan kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya dalka. Taliyaha Ciidanka Itoobiya Birhanu Jula ayaa si gaar ah Eritrea ugu eedeeyay inay dhaqaale iyo taageero siiso TPLF, halka Eritrea iyo dalalka kale ay eedeymahaas beeniyeen.
Dagaallada cusub ayaa ka socda dhowr jiho, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ay dagaallo kula jiraan xoogagga Tigray iyo kooxo hubeysan oo ka tirsan Amhara iyo Afar.
Warbixinno amni ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen deegaanno ay horey u qabsadeen xoogagga mucaaradka, halka dhinaca kale ay kooxaha hubeysan ka sameeyeen horumarro ka dhacay qaybo ka mid ah Afar iyo Tigray.
Xaaladda ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda gudaha Itoobiya ay isu beddesho xiisad gobolka oo ay ku lug yeeshaan dalalka deriska ah. Khubarada arrimaha Geeska Afrika ayaa muddooyinkii dambe ka digayay in xiisadda u dhexeysa Itoobiya, Tigray iyo Eritrea ay leedahay awood ay ku sii fido.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in si aan waqti loo cayimin loo mamnuucay dhammaan duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Addis Ababa iyo nawaaxigeeda.
Go’aanka ayaa yimid kaddib markii habeenkii Khamiista laga maqlay qaraxyo ka dhacay caasimadda. Ilo diblomaasiyadeed ayaa Reuters u sheegay in qaraxyada la maqlay, halka isbahaysi mucaarad ah uu sheegtay inuu weerarro drone ah ku qaaday goobo militari oo ku yaalla caasimadda. Reuters ayaa sheegtay in sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin, iyadoo dowladda Itoobiya aysan weli si rasmi ah uga jawaabin.
Hay’adda ACLED ayaa sidoo kale sheegtay in 27-kii Sebtembar la soo wariyay weerarro drone ah oo lala beegsaday xarumo ciidan iyo garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Bishoftu, Kombolcha iyo agagaarka Bahir Dar, taasoo muujineysa in isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu qeyb ka noqday colaadda sii fidaysa.
Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli weli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo aan xal waara laga gaarin tan iyo dagaalkii Tigray ee 2020–2022.
Hay’adaha iyo falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in haddii dagaalladu sii fidaan ay kordhi karto barakaca shacabka, carqalad ku timaadda gargaarka bani’aadamnimo iyo in colaadda ay ka gudubto xuduudaha Itoobiya.
Sidaas darteed, indhaha ayaa hadda lagu hayaa jihada ay xaaladda Itoobiya u socoto, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee Addis Ababa iyo Asmara iyo haddii dagaallada waqooyigu ay isu beddeli karaan khilaaf ballaaran oo gobolka Geeska Afrika saameeya.



